energy.gov.au

energy-theme-default

[Somali] 5 fikradood oo wanaagsan oo lagu yareeyo korontada guriga lacagtana lagu dhaqaaleeyo

5 bright ideas for saving energy and money in your home

Publisher

Department of the Environment and Energy

Date

Iyada oo lacagta korontada kor u sii kacayso, kuwa badan oo naga mid ah ayaa eegaya hab lagu yareeyo korontada guriga. Warka wanaagsani waxa weeye waxaa jira waxyaala badan oo sahlan, oo aan lacag kuugu kacayn oo aad awoodo inaad samayso. Adiga oo isku deyeya fikradahaan oo samaynaya isbedela yaryar ee dabeecadaha maalmeed, waxaad badbaadin kartaa lacag, waxaadna caawin kartaa bay'ada adiga oo aan luminayn waxaad jeceshahay.

  1. Hoos u dhigida isticmaalka biyaha kulul

    Biyaha kulul ayaa masuul ka ah qiyaas ahaan 25 boqolkiiba isku celceliska biilka korontada guriga. Siyaabaha lagu yareeyo ayaa waxa ka mid ah iyada oo dharka lagu dhaqo biya qabow iyo isla sugida dhar badan, iyada oo mishiinka dhardhiqida la adeegsado isaga oo buuxa, makiinada weelasha dhaqda oo la shido marka weel badan lagu dhaqayo,ku rakibida aalada yaraysa socodka biyaha qubayska (iyada ayaa isku bixin doonta waqti yar) iyo qubayska oo la soo gaabiyo.

  2. Doorashada qalab wanaagsan

    Qalabka guriga ayaa wuxuu masuul ka yahay saddex meelood oo meel korontada gurigaagu isticmaalo. Haddii aad gadanayso firiij cusub, baraf-sameeye, telefishan, mishiinka dhardhiqida ama qaboojiye (air-conditioner), eeg Astaanta Qiimaynta Korontada (Energy Rating Label)—midba midka uu ka xiddiga badan yahay wuu ka isticmaal koronto yaraan doona. Kuwa xiddigaha badan waxaa laga yaabaa inay ka qaalisan yihiin, laakiin doorashada qalabka riqiiska ah ayaa mustaqbalka keeni doona kharaj badan.

  3. U isticmaalida qalabka si maangaal ah

    'Korontada iska daaran' oo ay isticmaalaan aaladaha ay ka midka yihiin microwaves-ka, telefishanka iyo gaymamka ayaa keena ilaa 10 boqolkiiba biilka korontada guriga. Haddii ay leedahay nal yar ama saacad—korontada isticmaalkeedu waa socdaa. Kharajka qiimaha waxaa hoos loogu dhigi karaa iyada oo laga damiyo korontada dhinaca derbiga markaan la isticmaalayn, la iska tuuro firiijyada iyo baraf-samay-yaasha siyaadada ah oo aan loo baahnayn, iyo dharka oo lagu qalajiyo xariga halkii lagu ridi lahaa mishiinka qalajinta.

  4. U kululaynta iyo qaboojinta si habsami ah

    Deraja kasta oo kor loo qaado kulaylinta ama qaboojinta, isticmaalida korontadu waxay siyaadin doontaa 5 ilaa 10 boqolkiiba. Si aad u xakamayso biilkaaga, ka fakar inaad ku hayso thermostat-ka 18–20°C xilliga qaboobaha iyo 25–27°C xilliga kulaylaha. Waxaad awoodaa inaad hesho dhamaan kulaylka ama qabawga aad rabto adoo xiraya albaabada gudaha, adiga oo kulaylinaya keliya qolalka aad isticmaalayso.

  5. Aad u gufaynta gurigaaga

    Gufayntu ama awdidu waa hab riqiis ah oo sahlan oo ah mid lagu qanci karo laguna badbaadin karo afar meelood oo meel qiimaha kaaga baxa kululaynta iyo qaboojinta. Awdida meelaha ka daloola albaabada, dhulka, daaqadaha ama geesaha derbiga, iyo isticmaalida tuubada marada laga 'sameeyey oo ciida ama calalada laga buuxiyey' ayaa joojin karta hawada banaanka ka soo gelaysa taas 'oo aad adigu samayn karto'.

Ma rabtaa inaad intaas ka badan ogaato?

Tusaalayaal kala duwan oo wax ku oola oo korontada, qashinka, biyaha, iyo wax-ku-oolnimada safarka iyo weliba macluumaadka caawimada dawlada oo af Ingiriis ku qoran waxaa laga heli karaaa websaytka energy.gov.au.